Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo qaabilay Mr. Johan Siffointe & wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda Qaramada Midoobey ugu xilsaarran qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (UNHCR) xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Johan Siffointe, oo wareejiyay caddaymihiisa aqoonsi wakiilnimo.

Axmed Ciise Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNHCR si kor loogu qaado howlaha bini’aadanimo ee UNHCR ay ka fuliso gudaha dalka, isagoo tilmaamay in la hubiyo in si mutadawacnimo ah dib loogu soo celiyo dalka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Yemen iyo in la isku dayo in la abuuro jawi sare oo hagaagsan iyo sare u qaadida heerka nololeed ee dhammaan Soomaalida.

Waxa uu ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada dhammaan mas’uuliyiinta Soomaalida iyo UNHCR si loo gaaro ahmiyadaha ugu sarreeya ee bina aadminimo ee dib-u-dajinta dadka soo gurya-noqonaya iyo in la siiyo taageerada lagama maarmaanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -